1659 Views

Sawiro:-Shir Xasaasi ah Oo Ka Furmay magaalada Jubba Ee Koon-furta Sudan

Sawiro:-Shir Xasaasi ah Oo Ka Furmay magaalada Jubba Ee Koon-furta Sudan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 08, 2019 –Magaalada jubba ee caasimada dalka Koofurta Sudan ayaa waxaa ka furmay  shirkii aan caadiga ahayn ee 67 ee wasiirada arrimaha Dibada dalalka IGAD kaas oo looga hadlayo arrimo ay ka mid tahay dhameys tirka heshiiskii Dhinacyada Koofurta Sudan ay gaareen.

 

Mas’uuliyiinta ayaa kulanka xoogga ku saaray sidii kooxaha kala duwan ee Koofurta Sudan culays loogu saari laha fulinta waxyabihii hore loogu heshiiyay waxaana ay balan qaadeen inay fulin doonaan dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay kol hore.

 

Soomaaliya Shirkaas waxaa uga qayb galay wasiiru dawlaha arrimaha dibada XFS mudane Cabdulkadir Ahmed khayr iyo wafdi u hogaminayo sidoo kale waxaa ka qayb galay mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalkaas.

 

Shirkaan oo maanta lagu soo gaba gabeynayo Jubba ayaa qorshuhu yahay in laga soo saaro war murtiyeed qeexaya waxyaabihii laga hadlay iyo go’aanadii ka soo baxay  sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Ambassador Xuseen Xaaji Axmed Safiirka Soomaaliya ee Dalka Koofurta Sudan..

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment