885 Views

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda degmada Baraawe

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda degmada Baraawe
____________________________________________________________________________

Waxaa hadda degan xaaladda Demada Baraaw ee Gobolka Shabeellaha Hoose , halkaas oo ay Maanta ku dagaalameen Ciidamada Ammaanka degmadaas & maleeshiyo Beeleed kasoo horjeeda Golaha degaanka degmadaas.
Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Hoyga Guddoomiyaha degmada Baraawe Cumar Sheekh Cabdi Safaana iyo Hotelka Nadiir oo Maanta ay ka socotay doorashada Xubno kamid ah Golaha degaanka Baraawe.

Weli majirto khasaaro nafeed oo laga soo weriyay dagaalkaas, waxaana dadka degmada ay sheegayaan in haatan uusan jirin wax dagaal ah oo socda, balse markasta la filan karo maadaama weli dhinacyad ishor-fadhiyaan.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in in maleeshiyaadka ay sidoo kale ka careeysan yihiin Nin ka tirsanaa oo ku dhintay dagaal bil ka hor ka dhacay degmadaas , balse, iyada oo aan xal laga gaarin la bilaabay doorashada Golaha degaanka

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post