522 Views

Xuseen Macalin oo soo jeediyey in Farmaajo iyo Kheyre la maxkamadeeyo

Xuseen Macalin oo soo jeediyey in Farmaajo iyo Kheyre la maxkamadeeyo
____________________________________________________________________________

Talaado: January 25, 2022

La-taliyihii hore ee amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo hadda ah Agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal, ayaa soo jeediyey in kiiska ONLF iyo Qalbi-Dhagax aan intaan looga gudbin.

Xuseen Macalin ayaa ku taliyey in lagu maxkamadeeyo ragii hoggaaminayey dowladii Qalbi-Dhagax u gacan gelisay Itoobiya, sidoo kalena u geftay ururka xaq u dirirka ah ee ONLF.

“Xukuumadii go’aankaas gaartay iyo madaxweynaheedii xilligaas waa waayeen wax qiil ah oo ay lasoo shir tagaan, sababta dadkii howshaas ka dambeeyey ay ilaa hadda dadka u hor imaan la’yihiin waa culeyska ficilkii ay geysteen,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

Agaasime Xuseen ayaa Farmaajo, Kheyre iyo ragii kale ee howshaas kula jiray waxuu kula taliyey inay towbad keenaan oo u hoydaan muwaadiniintii ay ku dhibaateeyeen shaatiga dowladnimada Soomaaliya.

“Dadka Soomaaliyeed ku dhawaad shan sano ayey arrintaan la murugsanaayeen, marka hada waxay daneynayaan inay ogaadaan sababtii idinku qasabtay go’aankaas, waxaadna ogaataan in qof xad gudub geystay uusan ku faka doonin, waxaan ku talinayaa in howshaan aysan intaan ku dhamaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Agaasimaha Machadka Hiraal.

Xuseen ayaa soo jeediyey in ragii dhiibay Qalbi-Dhagax ee ONLF argagixisada ku shaabadeeyey aan laga harin ilaa inta ay cafis ka dalbanayaan ama sharciga laga hor geeynayo oo lagu maxkamadeynayo qaladkaas.

 “Tallaabada Rooble qaaday, waxaan rajeynaa in kiiskaan aysan soo xirin, si jariimooyinka soo socda aan uga ammaan helno, cashirna ay noogu noqoto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal Xuseen Macalin.

By Zahra Axmed Gacal 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post