471 Views

Taliyaha ciidamda xoogga dalka Uganda Sarreeye Gaas Muhoozi oo ku dhawaaqay in uu hawlgab ka noqonayo

Taliyaha ciidamda xoogga dalka Uganda  Sarreeye Gaas Muhoozi oo  ku dhawaaqay in uu hawlgab ka noqonayo
____________________________________________________________________________

Talaado: March 8, 2022

Taliyaha ciidamda xoogga dalka Uganda , Sarreeye Gaas Muhoozi Kainerugaba ayaa ku dhawaaqay in uu hawlgab ka noqonayo shaqada ciidmada muddo 28 sano ah kadib.

Codsigiisa hawlgabnimada ayaa la rajeynayaa in la aqbalo iyada oo la marayo sharciga milatariga ee 2005 tii.

Wuxuu ku qoray fariintiisa: “ Kadib 28 sano oo aan ka mid ahaa ciidankeena, oo ah ciidanka ugu wanaagsan aduunka, waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo hawlgabnimadeyda.

Aniga iyo askarteydu waan guulaysanay, waan jeclahay waanan xushmeeyaa saraakiisha guulaystay maalinwalba”

Saraakiil sare oo milatariga Uganda oo uu ku jiro madaxii hore siroonka ee Janaraal David Sejusa ayaa kol-hore diiday in ay aqbalaan codsiga hawlgabnimadiisa, sida aan ka soo xiganay Monitor Uganda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post