16110 Views

Kulamo gooni gooni ah oo ka socda magalada Kismaayo

Kulamo gooni gooni ah oo ka socda magalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Kismaayo | QOL | September 3, 2018 – Magalada Kismaayo oo uusan weli  ka furmin shirka Madaxda Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ka socda kulamo kala gooni gooni ah kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Waxaa  Maanta gaaray Magalada Kismaayo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating,isaga oo kulamo kala duwan la leh Madaxda Maamul Gobooleedyada ee Kismaayo u tegay shirkaas.

In kastoo aan weli la shaacin waxyaabaha uu kala hadlay Madaxda Maamul goboleedyada ayaa hadana,waxaa la sheegayaa inuu ka qeyb geli doono shirka Golaha Iskaashiga oo la filayo in Saacadaha soo socda uu ka furmo Magalada Kismaayo.

Dhinaca Madaxda Dowlad goboleedyada oo dhammaan ku wada sugan Kismaayo ayaa waxa ay leeyihiin kulamo kala duwan,iyada oo la isku diyaarinayo ka qeyb galka shirkaas oo ay uga hadli doonaan arrimo ku aadan khilaafka Madaxda Dowladda iyo qaar ka tirsan Dowlad goboleedyada.

 

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment