876 Views

Galmudug oo soo dhaweysay tilaabo ay qaaday dowladda Mareykanka

Galmudug oo soo dhaweysay tilaabo ay qaaday dowladda Mareykanka
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 07, 2021 —Wasaaradda Amniga maamulka Galmudug ayaa soo dhaweysay in liiska Argagixisada lagu daro Afhayeenka ururka Al-Shabaab iyo sidoo kale mid kale oo ka mid ah ururka, waxaana Galmudug ay sheegtay in dhibaato badan ay ku hayeen degaanada Galmudug.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sidoo kale xustay in tilaabadaan ay soo dhawweynayaan ayna kala shaqeyn doonaan dowladda Mareykanka sidii gacanta loogu soo dhigi raggaasi.

Sida ku cad war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka, afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere iyo Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo sida uu Mareykanka sheegay ku magac dheer Ikrima ayaa ka mid ah liiska shan xubnood oo ka tirsan kooxaha jihaad doonka ah ee qaaradda Afrika.

Warka kasoo baxay Galmudug ayaa siddaan u qornaa:

Dawladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada shakhsiyaadka la baadigoobayo ku dartay laba dilaa oo kooxda argagxisada Shabaab ka tirsan kuwaasoo kala ah Argagixiye Cali Maxamed Raage (Cali Dheere) iyo Argagixiye C/qaadir Maxamed C/qaadir (Cikrima).

Waxaan soo dhowaynaynaa in makarafoonkii argagixisada ee sheegan jiray danbi kasta oo umadda Soomaaliyeed lagu xasuuqayo Cali Dheere uu ka mid noqday shkhsiyaadka la bartilmaameedsanayo ee ku jira liiska argagixisada, waxayna tallaabadani tilmaamaysaa in ruuxii doorta dhibaatayna dadkiisa uu cawaaqib xumo ku danbayn doono.

Argagixiye Cali Dheere iyo Cikrima waxay ka mid ahaayeen kuwa dadka reer Galmudug dhibaatada ku haya, bartilmaameedsigooduna wuxuu ka qeyb ka noqon doonaa nabadda iyo xasiloonida Galmudug iyo Soomaaliya inteeda kale

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post