1104 Views

Madaxda barnaamijka dhaqancelinta isisoo dhiibayaasha “DRP”oo Booqday Ciidamada Xooga Dalka ee ku Sugan dhusamareeb

Madaxda barnaamijka dhaqancelinta isisoo dhiibayaasha “DRP”oo Booqday Ciidamada Xooga Dalka ee ku Sugan dhusamareeb
____________________________________________________________________________

Khamiis: December 30, 2021

Madaxda barnaamijka dhaqancelinta isisoo dhiibayaasha “DRP” oo ah Barnaamij loogu talo galay in lagu soo dhaweeyo dhalinyarada kasoo baxda kooxda Alshabaab si loogu sameeyo nolol kaduwan tii hore ee ay kujireen si loo fahamsiiyo dowladnimada, ayaa maanta kormeeray xarumaha Ciidamada Xoogga dalka ee Magaalada Dhuusamareeb.

Kormeerkan oo uu hoggaaminayay agaasimaha barnaamijka qaran ee dhaqancelinta Salad jilicow ayay qayb ka ahaayeen, madaxa soo dhawaynta isi soo dhiibayaasha Col Osoble, agaasime kuxigeenka xarunta dhaqan celinta xarunta Serindi muqdisho Abdalle Jaraid, madaxa sare ee hay’ada Accept international Yusuke Nagai iyo agaasimaha barnaamijka dhaqan celinta Galmudug Abdirahman Mohamed Ali.

Mas’uuliyiintan ayaa Ciidamada iyo saraakiishooda u sheegay in looga fadhiyo sidii ay ugu dadaali lahaayeen fududeynta in isisoo-dhiibayaashu nabad iyo badqab kusoo gaaraan xarunta Dhaqan celinta Galmudug ee shalay laga furay Magaalada Dhuusamareeb.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post