1488 Views

hey’adaha caalamiga iyo Qaramada Midoobay oo ka dalbadey caalamka dhaqaale degdeg ah Xaalada Afghanistan.

hey’adaha caalamiga iyo  Qaramada Midoobay  oo ka dalbadey caalamka dhaqaale degdeg ah Xaalada Afghanistan.
____________________________________________________________________________

Khamiis August 19, 2021

 Madaxda hey’adaha caalamiga ee gargaarka iyo kuwa Qaramada Midoobay, ayaa war ay si wadajir ah usoo saareen ka dalbadey dalalka dunida dhaqaale degdeg ah, oo gargaar dheeraad ah looggu fidiyo dadka reer Afghanistan.

Waxey sidoo kale sheegeen in joogitaanka, iyo gaarsiinta gargaarka bani’aadanimo, ay haatanba ka godey gargaar lagu qiyaasay US $800 milyan.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay iney laba laabeyso gargaarka ay u fidineyso dadka reer Afghanistan, iyadoo gaarsiineysa sanadkan 286 milyan oo pound.

Dunida ayaa walaac weyn ka muujisay xaaladda Afghanistan ee sida deg dega ah isu badashey, ka gadaal markii xukunka dalkani ay la wareegeen ururka Taliban.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post