633 Views

Ciidamada dowladda oo soo bandhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada dowladda oo soo bandhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 1, 2022

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo kuwa Nabad sugidda dowlad Goboleedka Jubaland ayaa soo qabtay Horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Maxamed Cabdi Mukhtaar oo magaciisa afgarashada ahaa Sakhraawi, ayaa lagu qabtay howlgallo balaaran oo ay ciidamadda huwanta ah ay ka fuliyeen deegaano dhaca galbeedka magaalada Kismaayo.

Sidoo kale ciidamadda dowladda ayaa dila 4- kale oo ka tirsan Dagaalamayasha Al-Shabaab oo ilaalo u ahaa Horjoogahaan la qabtay, sida ay Shegeen Saraakisha hogaamineysay howlgalka lagu soo qabtay Maxamed Cabdi Mukhtaar.

Ciidamada Dowladda ayaa sidoo  burburiyay goobihii ay Al-Shabaab ku qaadi jireen Lacagaha ay dadka ka qaadaan, waxayna saraakiisha hogaamineeysay howlgalkaan warbaahinta Dowlada u sheegeen in howlgalkani uu qeyb ka yahay halgan bilowday oo lagu baacsanayo dagaalamayasha Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post