660 Views

Trump oo ku dhawaaqay in uu Suudaan xayiraada ka qaadi doono

Trump oo ku dhawaaqay in uu Suudaan xayiraada ka qaadi doono
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 20|  2020—Madaxweyne Donald Trump ayaa  shaaca ka qaaday inuu damacsan yahay inuu ka qaado dowladda Suudaan xayiraada saaran iyo in uu ka saaro liiska argagixisada taasoo dowladda ku meel gaarka ah ee Khartoum ay gaarsiin karto guul diblomaasiyadeed ka hor doorashada madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Suudaan ka saarayo liiska dawladaha taageera argagixisada haddii ay bixiyaan magdhow gaaraya  $ 335 million oo dollar oo lasiinaayo ehelada dadkii ay wax yeelada kaso gaartay weerarada argagixisada.

“War aad u weyn! Dowladda cusub ee Suudaan, oo horumar weyn sameyneysa, waxay ogolaatay inay $ 335 MILYAN siiso dhibbanayaasha argagixisada Mareykanka iyo qoysaska. Markii la dhigo, waxaan ka qaadi doonaa Suudaan liiska Taageerayaasha Argagixisada ee Gobolka” ayuu sheegay Madaxweyne Trump.

Ku dhawaaqida Trump ayaa timid bilo kadib markii Mareykanka iyo Suudaan ay gaareen heshiis laba geesood ah.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post