537 Views

Caddeymo muujinayo ciidamada Ruushka oo raashiin ka xadaya Ukraine

Caddeymo muujinayo ciidamada Ruushka oo raashiin ka xadaya Ukraine
____________________________________________________________________________

Isniin: June 27, 2022

Baaritaan ay samaysay BBC-da ayaa lagu helay caddaymo muujinaya in ciidamada Ruushka ee qabsaday dalka Ukraine ay ka xadeen halkaas kumannaan tan oo raashiin ah oo isugu jiro galley iyo dalag kaleba kuwaas oo ay soo saareen beeraleyda dalkaas.

Caddeymaha waxay muujinayaan in maamulka Ruushka ay u sheegeen beeralayda Ukraine inay la wareegayaan dalaggii ay soo saareen si ay u xaqiijiyaan waxa ay ku tilmaameen ka hortagga ‘gabaabsiga dhanka cuntada ah’

Muuqaallo laga soo duubay mid kamid ah beeraha Ukriane ayaa muujinaya wax u muuqda askarta Ruushka oo beerta dhacaya kuwaas oo xadaya dalaagga.

Ruushka ayaa beeniyay in ciidamadiisa ay raashiin kasoo xadeen Ukraine balse saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in sagaal markab oo la rumeysan yahay inay raashiinkii laga soo xaday Crimea u daabuleen meelo kale oo caalamka ah.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digayso macluusha ka jirta Afrika iyo Bariga Dhexe sababtoo ah maadama uu hakad galay raashiinkii ka imaanayay Ukraine, oo kamid ah dalalka ugu soo saarista badan burka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post