675 Views

Rooble oo ka hadlay habka loo xulayo Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi

Rooble oo  ka hadlay habka loo xulayo Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 1, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay habka loo xulayo Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada labada Aqal Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu sheegay in Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Somaliland ay soo xulayaan Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waxaa uu xusay Ra’iisul Wasaaraha in uu isaga ka hubinayo Liiska Musharaxiinta ay soo saaran Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, isla markaana Carabka ku dhuftay inuu diyaar u yahay la shaqeynta labada Mas’uul oo ay u siman yihiin.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ka dalbaday inay ka shaqeyaan, horumarinta iyo Is-aaminaada, ayna doorashada labada Aqal ee Somaliland ku dhacdo si cadaalad ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post