411 Views

Korneel Macow “Hotelka Xayaat Nasiib darrada iyo waxa dheereeyey waxaa waayey waa lagu yaacay waxaa yimid Haramcad, Al-fa Group Booliskii iyo kwaa kale

Korneel Macow “Hotelka Xayaat Nasiib darrada iyo waxa dheereeyey waxaa waayey waa lagu yaacay waxaa yimid Haramcad, Al-fa Group  Booliskii iyo kwaa kale
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 21, 2022

 Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA ayaa ka hadlay weerarkii saacadaha badan qaatay ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday dhismaha Hoteelka Xayaat ee ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee Muqdisho.

Macow oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay sababaha keenay inuu dheeraado howlgalka lagu soo afjarayey weerarkaasi oo qaatay wax ka badan 24 saac.

Korneelka ayaa u sababeeyey arrintaas inuu jiray is barbar yaac ciidanka dhexdiisa ah, taasina ay keentay inay meesha tegeen ciidamo fara badan oo leh hoggaan kala duwan.

“Nasiib darrada iyo waxa dheereeyey waxaa waayey waa lagu yaacay waxaa yimid Haramcad, waxaa yimid Booliskii kale, kuwii degmooyinka ka shaqeynaayey. Marka waxa daba dheereynaayo waxaa waayey ma jiro hogaan sax ah iyo dadkii shaqadaas looga dambeyn lahaa,” ayuu yiri Korneel Cabdulaahi Cali Macow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in  ciidamadu ay sidoo kale ay dhibka wax ka geysteen, isla-markaana ay burburiyeen inta badan dhismihii Hoteelka, taas oo uu sheegay in laga baaqsan karay, haddii lala yimaado xeelad lagu bad-baadinayo dadkaas oo shacab ahaa.

“Waxaa hoosaasiyey ciidankaas Booliska ee faraha badan wiilkaa dhalinyarada ah ee qorayga la taagan jidka meesha dab-xir ayaa lagu sameeyey daartiina waa la dumiyey dadka meesha joogayna dhibaatada gaartay Argagixisadana way leysay dadka, ciidankaana xabadda bannaanka ka tuuraayo ayagana dhibaato badan ayey geysteen,” ayuu raaciyey.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan la soo afjaray weerarkii Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay dowladda federaalka ah Soomaaliya.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay inay ku dishay illaa 40 qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post