765 Views

Cumar Cabdirishiid oo ka soo hor jeestay bayaankii ka soo baxay siyaasiyiinta iyo isimadda Puntland

Cumar Cabdirishiid oo ka soo hor jeestay bayaankii ka soo baxay  siyaasiyiinta iyo isimadda  Puntland
____________________________________________________________________________


khamiis: January 13, 2022

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirshiid, ayaa sheegay in aanu qayb ka ahayn bayaan ay soo saareen siyaasiyiinta xallinta khilaafkii dhaliyay dagaalkii Boosaaso u tagay magaaladaas 29-kii Dicember.

Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal uu ku baahiyey boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku yidhi “Waxaan caddaynayaa inaan la igala ashan oo aanan qayb ka ahayn bayaankan soo baxay iyo hadallada uu xambaarsanaa. Boosaaso dhibka soo gaadhay xal iyo baaq nabadeed keliyaa u dan ah”.

Bayaankaas uu sheegay in aan lagala tashan ayaa waxay ergadaa siyaasiyiinta ahi ku sheegeen in qododbadii talo soo jeedinta ahaa ee isimadu soo saareen aanay qusaynin ergadoodaas talona aanay ku lahayn, oo sidii ay ku ballameen, waa sida loo dhigaye, aan markii hore lala wadaagin ee ay qoraalkaa ku arkeen baraha bulshada oo aanu ahayn mid wax u taraya xasiloonida aiyo wadajirka Puntland.

Isimadii u fadhiyey xallinta khilaafkii keenay dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso dabayaaqadii bishii hore, ayaa habeen hore soo saaray qodobbo talo soo jeedin ah oo ay u direen xukuumadda Puntland.

Qodobbadaas talo soo jeedinta ah oo ay isimadu qabaan in lagu xallin karo khilaafkii shaqaaqadaa keenay waxaa kamid ah, in hay’adda PSF ay sii ahaato sideedii hore isla markaana uu agaasime usii ahaado Sarreeyo Guuto Maxamed Cismaan Cabdullaahi.

Isimada waxay sidoo kale sheegeen in gogol dib u heshiisiineed ay u dhigayaan madaxweynaha Puntland iyo saraakiisha PSF si loo xalliyo khilaafka.

Go’aamada ay soo saareen isimada ayaa ka dambeeyay, kadib markii bishii lasoo dhaafay uu Boosaaso ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa PSF-ta.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 24-kii bishii November soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF balse hoggaanka hay’addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay’addaasi ku tilmaamay sharcidarro, taas oo keentay dagaal sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post