1011 Views

Gobolka Zamfara ee ku yaalla waqooyi galbeed ee dalka Nigeria oo kooxo ubeysan ku dileen 200 qof

Gobolka Zamfara ee ku yaalla waqooyi galbeed ee dalka Nigeria  oo  kooxo ubeysan ku dileen 200 qof
____________________________________________________________________________

isniin: January 10, 2022

Gobolka Zamfara ee ku yaalla waqooyi galbeed ee dalka Nigeria, ayaa kooxo hubeysan waxey ku dileen 200 qof, iyagoo halkaasi ku qaadey weeraro is xig xigey.

Waxaa la sameeyey aas, iyadoo la duugey dad gaaraya ugu yaraan illaa iyo laba boqol inta la og yahay.

Qaar kamid ah dad ka badbaadey weerarkii lagu laayey dadka faraha badan, ayaa u sheegay BBC-da in rag hubeysan, kuwaasoo watey mootooyin ay xabado ku fureen dadka, markii ay dhex marayeen tuulada ay dhibaatadu ka dhacdey.

Weerarkani ayaa yimid kadib markii ay dowladda Nigeria ay hawada ka duqeysay qaar kamid ah dagaal yahano katirsan kooxdani toddobaadkii tagey.

Kooxdani ayaa weeraro ku qaadeysay gobolka Zamfara iyo gobolada kale ee ku xeeran sanado badan. Kooxdani ayaa dalka Nigeria waxaa loogga yaqaanaa Bandits.

Waxey leeyihiin nidaam u gooni ah, oo ay kujiraan kooxo dambiilayaal ah, kuwaasoo inta badan dhaca xoolaha, waxey dalbadaan madax furasho, iyagoo dila dhibanayaasha ay heystaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post