855 Views

Jariif ba’an oo ka socda xeebaha Puntland

Jariif ba’an oo ka socda xeebaha Puntland
____________________________________________________________________________



Mogadisho | QOL October 17|  2020
—Xeebaha Puntland gaar ahaan gobolka Bari ayaa lagu arkayaa Doonyaha & Maraakiibtii Jariif ee ugu badnaa kuwaas oo guranaya Kheyraadka Badda.

Maraakiib waaweyn oo laga leyahay dalal shisheeye ayaa bilaabay inay xaaluf xoogan ku sameeyaan kalluunkii yaaley xeebaha gobolka Gardafuu, waxaana durba cabasho xoogan ka muujinaya kalluumaysatada iyo shacabka kunool gobolkaasi.

Xeebaha degaanada Gumbax iyo Bareeda ayaa kamid ah meelaha jariifka ugu ba’an laga soo sheegayo, waxaana arrintaas cabasho xooggan ka muujiyay Kalluumeystada Degaanka.

Xaalufkaan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan ay baddu furantay isla markaana kalluumaysatada gobolkaasi ay gashay rajada inay ka faa’iidaystaan kalluunka badda ku dhashay mudadii baddu xirnayd guud ahaan deegaamada Puntland.

Sidoo kale, Kalluumeysatada ayaa xukuumadda Puntland ku eedeeyay in ay rukhsad siisay doonyaha jariifka qaarkood, islamarkaana ay lacag ka sameeyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post