696 Views

Qaramada Midoobey oo ka deyriso xaaladda bani’aadannimo ee gobolka Tigreeda

Qaramada Midoobey oo  ka deyriso xaaladda bani’aadannimo ee gobolka Tigreeda
____________________________________________________________________________

Sabti: October 23, 202

Qaramada Midoobey ayaa walac xooggan ka muujisay xaaladda bani’aadanimo ee sii xumaaneysa ee ka jirta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya kaddib markii ay sii xoogeysatay colaadda ku dhawaad muddada sanadka ah halkaasi ka socotay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegayta in malaayiin qof oo reer Itoobiya ah ay halis ugu jiraan nafaqadarro, halka qaar kale oo badanna ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo deg deg ah.

Digniintan ayaa timid saacado uun kaddib markii mid ka mid ah diyaaradaha Qaramada Midoobay ay ku adkaatay in ay ku degto magaalada Mekelle oo ay ku khasbanaatay in ay si deg deg ah ugu laabato magaalda Addis Ababa, sababo la xiriira duqeymo dhanka cirka ah oo ciidamada dowladda ay wadeen qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Dhacdadaasi kaddib, Qaramada Midoobey waxay joojisay gebi ahaanba duulimaadyadii ay ku tagi jirtay gobolkaasi Tigreeda ee ay colaadda la degtay

Gemma Connell oo ka tirsan xafiiska arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee OCHA, ayaa sawir xun ka bixisay xaaladda ka jirta gobolkaasi Tigraay.

“Sida ay tahay maanta, waxaa waqooyiga Itoobiya ku nool ku dhawaad toddobo milyan oo qof oo aad ugu baahan gargaar bani’aadannimo. Waxaa ka mid ah in ka badan shan milyan oo qof oo ku nool gobolka Tigray, labada milyan ee kalena waxay ku kala qaybsan yihiin Amxaarada iyo Canfarta,” ayay tiri Gemma Connell.

Waxay sheegtay in ay jiraan “dad badan oo guryahooda ka barakacay in kabadan hal mar, iyaga oo yaacaya ayay noqdeen hoy la’aan. Waxaan arangay heerar nafaqo -darro oo ba’an oo maalin walba kor usii kacaysa, taas oo aan ku koobnayn carruurta oo keliya. Dumarka Tigray -da ayaa hadda nafaqadarro ba’an haysataa.”

Dowladda Itoobiya ayaa ku doodeysa in diyaaradaheeda ay bartilmaameedsanayeen xarun tababar oo ay adeegsadaan falaagada Tigreega.

Legesse Tulu waa afhayeenka dowladda Itoobiya Wuxuu beeniyay in ciidanka dalkaasi ay duulaan ku yihiin gobolka Tigreeda, wuxuuna intaas ku daray in ciidankoodu ay difaacayaan shacabka dalka Itoobiya oo sida uu sheegay weerar kala kulmayo fallaagada TPLF

“Bartilmaameedku wuxuu ku saabsan yahay xarunta tababarka sharci-darrada ah oo ay hore u isticmaali jireen saldhigga taliska woqooyi laakiin hadda ay ku shaqayso kooxdan argagixisada ah si ay u qaadato tababar milatari oo loogu talagalay dadka ay qortaan ee sharci-darrada ah iyo meelaha kale ee u adeegaya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaasi ku daray in dawladdiisu ay ka go’an tahay “in ay mudnaanta siiso ilaalinta danta qaranka oo ay ku jirto badbaadada iyo amniga Itoobiya iyo dadka Itoobiya. Dawladdu waxay isku dayday inay ilaaliso muwaadiniinteeda maxaa yeelay kooxahan argagaxisada ah ayaa wali madaafiic ku ridaya magaalooyinka iyo tuulooyinka, marka waa inaan difaacnaa muwaadiniinteenna.”

Haseyeeshee xubin ka tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray ee TPLF, Kindeya Gebrehiwot, ayaa BBC -da u sheegtay in ficillada milatariga Itoobiya ay nolosha aad ugu sii adkeynayaan dadka gobolkaasi.

“Xaaladda bani’aadamnimada ayaa sii xumaanaysa maalin kasta. Tan iyo markii ay qaxeen Juun 20 -keedii, waxay xayireen ku dhawaad wax walba. Hay’adaha Qaramada Midoobey waxay u baahan yihiin boqol baabuur markiiba, laakiin intii u dhaxaysay 29 -kii Sebtembar ilaa 4 -tii Oktoobar, waxaa yimid 8 baabuur oo keliya. Tan iyo markaasna, ma jirin hal baabuur oo xamuul ah oo yimid Mekelle. Markaa waad qiyaasi kartaa saamaynta xaaladda. Dadku waxay ku dhimanayaan isbitaallada. Sida o kale Xitaa ma ogin waxa ka dhacaya miyiga,” ayuu yiri Gebrehiwot oo BBC-da la hadlay.

Kindeya Gebrehiwot waxa uu intaasi ku daray in duqeymihii ugu dambeeyay ee ciidamada Itoobiya ay ka fuliyeen gudaha magaalada Maqalle loogu talagalay in lagu cabsi geliyo isla markaana lagu dhibaateeyo dadka gobolkaasi.

Waxaa uu sheegay in “ujeeddadu tahay oo kaliya in dadka la argagax geliyo, bartilmaameedkuna waa wax walba oo ka jira Tigraay iyo dadkeeda. Meel kasta oo Tigraay ah ayay u ridaan. Hadday tahay jaamacad, ama meelaha la deggan yahay, maxaa yeelay waxay odhan jireen bakhaar milatari iyo wax la mid ah ayaa ku yaal, laakiin ma jiro bakhaar milatari oo ku yaal Tigray. Wax kasta oo aan haysanno horeba waxay ahaadeen furinta, Mekelle kama jirto goob wax lagu kaydiyaa.”

Horraantii toddobaadkan ayay ahayd markii duqeymo hor leh oo dhanka cirka ah ay ka soo cusboonaadeen magaalada Maqalle oo xarun u ah fallaagada TPLF.

Xudkuumadda Addis Ababa waxay ku doodeysay in bartilmaameedku ahaa warbaahinta fallaagada, goobo ay ku tababartaan iyo goobo kale oo ay hubka iyo agabka kale ku keydsadaan maleeshiyaadka fallaagada TPLF.

Balse waxaa soo baxayay warar sheegayay in dad rayid ah ay waxyeello ka soo gaartay duqeymahaasi,w axaana kuwii ugu dambeeyay TPLF ay ku sheegtay in lagu bartilmaameedsaday jaamacadda magaalada Maqale.

Colaadda dalkaasi Itoobiya, gaar ahaanna tan gobolka Tigraay ayaa marba marka ka sii dambeysa sii xumaaneysa, waxaana colaadda oo ku fidday gobollada Amxaarada iyo Canfarta ku barakacay qiyaastii 1.2 milyan oo qof.

Waxaana QM ay haatan sheegeysaa in qiyaastii toddobo milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bani’aadaniimo oo deg deg ah, xaaladda nafaqa-darradana ay ka sii dareyso maalinba maalinta ka sii dambeyso.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post