1710 Views

SAWIRO:-Wasiir Khadiijo & Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay Dhismaha Waddo muhiim ah

SAWIRO:-Wasiir Khadiijo & Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay Dhismaha Waddo muhiim ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 23, 2019 –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Maanta dhagax-dhigay dhismaha Wadada u dhaxeysa Isgoysyada Cali Kamiin & Ifka Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Wadadaas oo kala kala tirsan Wadooyinka Warshadaha iyo Soddonka ayaa hormarta Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho,waxana ka muuqda burbur xoogan.

“Saakay waxaan dhagaxdhignay waddo Laami ah oo laga hirgelinayo isgoyska Cali Kamiin iyo Ifka Xalane oo isku xira 30ka iyo Warshadaha. Waana waddadii 9aad oo Laami ah oo muddo sanad iyo bar ah ka hirgelino Caasimada Muqdisho ayuu yiri Eng Yariisow.

Goobta dhagax-dhiga wadadaas oo dhismo lagu bilaabayo ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Guddoomiyaha degmada Warta-nabada seynab Xaabseey & mas’uuliyiin kale.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment