876 Views

Shil gaari oo ay ku dhinteen 4 ruux oo xalay ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

Shil gaari oo ay ku dhinteen 4 ruux oo xalay ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya
____________________________________________________________________________

Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya  ayaa sheegaya in Ugu yaraan 4 ruux oo shacab ah ay geeriyooday, halka saddex kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kadib markii xalay uu shil gaari uu ka dhacay deegaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Shilkaas ayaa sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeysa tuulooyinka Labicalaan iyo Geedi ee degmada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka, waxaana uu yimid Shilkaas, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu ahaa nooca xamuulka qaado ah.

Madaxda shilalka ee Gobolka Jarar ee dowlad deegaanka Qoordheere Axmed Xasan oo warbaahinta ka howlgasha halkaas la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Meydadka iyo dhaawacyada la geeyay Xarumo Caafimaad.

Sidoo kale Qoordheere Axmed Xasan ayaa Darawalada gaadiidleyda ah ee ka howlgala Ismaamulka ugu baaqay inay si taxdar leh u wadaan gaadiidka, xiliyada ay isticmaalayan waddooyinka buuleyda ah, si aysan u dhici shilal geysta khasaaro kala duwan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post