747 Views

Golaha wadatashiga qaran oo kulan la yeeshay safiirada beesha caalamka ee fadhigooda yahay Muqdisho,

Golaha wadatashiga qaran oo  kulan la yeeshay safiirada beesha caalamka ee fadhigooda yahay  Muqdisho,
____________________________________________________________________________

Talaado: August 24, 2021

Xubnaha Golaha wadatashiga qaran ayaa maanta kulan ballaaran la yeeshay safiirada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho, kaas oo ka dhacay teendhada Afisyoone oo ku taal Xalane.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyada oo ay goobjoog ahaayeen madaxda maamul goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan mid golaha shacabka ee la filayo in dhowaan la qabto.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday taageerada beesha caalamka ee ku aadan doorashooyinka, maadaama dowladdu ay haatan raadineyso dhaqaalaha ka dhimman.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post