789 Views

SOOMAALIYA oo mar kale tusaale aan wanaagsanayn loo soo qaatay

____________________________________________________________________________

Wasiirka waajibaadka gaarka ah ee dalka Nigeria George Akume, ayaa ugu baaqay dadkiisa in ka shaqeeyaa nabadda iyo midnimadda, isaga oo kaga digay  in dalkoodu la mid noqdo ama ka sii darnaan  doono sida Soomaaliya oo kale, oo muddo nus qarni ku dhow ku jirtay marxalad uu ku tilmaamay fowdo.  

“Ma ku ciyaari karno nabadda iyo midnimadiina aan haysanno, haddii kale waxaan ka sii liidaneynaa Soomaaliya” Ayuu yiri George Akuma. 

Ma ahan markii ugu horreeysay ee mas’uul dalkaas u dhashay u gefo Soomaaliya, kuna tilmaamo waddan qariban. 2015kii ayeey ahayd markii Madaxwaynaha Nigeria Mohammadu Buhari isaga oo magaalada Johansberg ee dalka K/Afrika kula hadlayey mushtamaca dalkiisa ee dalkaas ku nool, uu Soomaalida ku tilmaamay dad muslim ah, haddaa dadkooda waxbartay ay yihiin kuwa danahooda gaarka ah ka doorbiday dantii guud. 

 “Waxaan ka cabsi qabaa Nigeria sida Soomaaliya in ay u burburto, kana soo kana wayso burburkaas” Ayuu xilligaasi sheegay Buhari. 

Waxaa iira, dad ka caraysan tusaalaha xun ee dalkooda loo soo qaadanayo, kuwaas oo is-waydiinaya, cidda ay tahay in ay u jawaabaan kuwa dalkooda sawir xumaynaya, halka dhinaca kale ay jiraan dad u arkaya in ay sax tahay in Soomaalida lagu digto mar haddii aanay dadkeedu aysan danahooda aqoonsanayn. 

W/Q: C/shakuur Cilmi Xassan 

E-mail: shakuurcadde73@hotmail.com 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post