126 Views

NISA oo warsaxaafadeed ka soo saartay war dhawaan ka soo baxay shirkadda Hormuud

NISA oo warsaxaafadeed ka soo saartay war dhawaan ka soo baxay shirkadda Hormuud
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay war dhawaan ka soo baxay shirkadda Hormuud, kaas oo daba socday codsi shirkadda u dirsatay laamaha aammaanka ka dib markii weerar lagu qaaday shirkadda.

Halka hoose ka akhriso Warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo ka koobnaa hol bogga:-

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyada oo ka duuleysa codsi uga yimid Shirkadda Hormuud, 26-kii bishii December 2023 oo ay ku waydiisatay in ay ka caawiso dhibaato ay kala kulantay Argagaxisada, Hay’addu waxay baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada. Sidaas awgeed, Hay’addu waxa ay shirkadda ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaqdhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, sida ku cad qodobka 8aad Faqradiisa 3aad ee sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

Haddaba, halkii shirkadda laga sugayay in ay Hay’adda ku gacansiiso gudashada waajibkeeda Qaran, waxa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna fakisay eedeysanayaashii ka tirsanaa howlwadeennadeeda.

Sidaas darteed, Shirkaddu waxa ay si toos ah ugu tumatay Sharci Lr.003, qodobka 48-aad ee Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka iyo Sharci Lr.007, qodobka 11-aad ee sharciga la dagaallanka Argagixisada.

Ugu dambeyntii, Hay’addu, iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda, waxa ay qaadday tallaabo waajib gudasho ah oo waafaqsan sharciga, waxayna soo xirtay qaar ka mid ah howlwadeennada Shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada Hay’adda.

F.G: Hay’addu marnaba ma doonayso in lala wadaago xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaliya waxay doonaysaa in ay hesho xogta iyo dhaqdhaaqyada argagixisada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post