387 Views

Jabuuti ma waxay ka niyad xumaatay xiriirka Soomaaliya ay la yeelatay Eritrea?

Jabuuti ma waxay ka niyad xumaatay xiriirka Soomaaliya ay la yeelatay Eritrea?
____________________________________________________________________________

Axad: July 17, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasha rasmi ah ku maraya Jamhuuriyadda Jabuuti, booqashadani oo qayb ka ah socdaal uu madaxweynuhu ku marayo qaar ka mid ah waddamada gobolka.

Soomaaliya iyo Jabuuti oo ah laba dal uu xiriir soo jireen ah ka dhaxeeyo sanadihi u dambeeya xiriirkooda waxaa soo dhex galay madmadow siyaasadeed.

Booqashada Madaxweynaha oo la sheegay iney qayb ka tahay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal meeshana looga saari lahaa madmadowgi jiray.

Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaan BBC uga warramay booqashada Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud ee Jabuuti waxa uu ka dhigan yahay iyo xiriirka labada dal waxa uu ku soo kordhinayo.

“Waa muhiim in madaxweynaha uu socdaalladiisa ugu horreeya uu ka dhigo Jabuuti, markaa waxaan rajeynayaa wax tabasho ah booqashada madaxweynaha ee Jabuuti in taas ay meesha ka saarto, dalalka xiriirka gaarka leh wey ka tashadaan arrimaha qaarkood”

“Jabuuti waxay dareemeysaa in Eritrea ay dhulkeeda qaar heysato in maxabiisa Jabuutiyaan ah ay weli Eritrea ku maqan yihiin markaa iyadoo colaadda oo weli u dhexeysa Jabuuti iyo Eritrea ay tahay mid taagan ayaa inaga oo Jabuuti ay tahay dalka aan isugu dhaw nahay ayaynu xiriir la sameynayay Eritrea, markaa arrintaas waxaa laga yaabaa in xooggaa yar oo niyad xumo ah oo Jabuutiyaanka ka xishoodeen inay toos u sheegaan laakiin la dareemi karo ay suurtogal tahay inay jirtay” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Cawad.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post