540 Views

Wasiirka Arrimaha dibadda oo la kulmay Wasiirada Arrimaha dibadda Carabta

Wasiirka Arrimaha dibadda oo la kulmay Wasiirada Arrimaha dibadda Carabta
____________________________________________________________________________


Arbaco: March 9, 2022

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta kulan duceedyo la yeeshay qaar ka mid Wasiirada Arrimaha dibadda ee dalalka Carabta ee ka qeyb galaya shirka Wasiirada arrimaha dibadda dalaka Carabta meertadiisa 157-aad.

Mudane Cabdisaciid Muuse ayaa la kulmay Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Masar, Sacuudiga, Kuwait, Imaaratka Carabta, Cummaan, Baxreyn, Urdun, Yemen, Falastiin, Ciraaq, Marooko iyo Comoros.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa Wasiirada dhigiisa ah kala hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo wadamada Carabta.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Wasiirada dhiggiisa ah uga warbixiyay doorashooyinka dalka ka socda iyo xaaladihii ugu danbeeyay ee abaaraha, isagoo ka codsaday in Soomaaliya lala soo gaaro gargaar beni’aadanimo iyo taageero walaaltinimo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post