1161 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Kismaayo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOLIArbaco : December 15, 2021—Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaanyo ee Caasimada ku-meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Xubnaha labada golle iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Kismaanyo ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen kuso dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdule ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa inay yeeshaan kulan gaar ah, kaas oo ay uga hadlayaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, iyadoo la sheegayo in labada dhinac is dhaafsanayaan dano kala duwan oo isaga xiran, gaar ahaan kuraas Xildhibaan oo rag aad ugu dhow labada Madaxweyne ay u rabaan, kuwaasoo kuraastooda taal Kismaayo iyo Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qaar kamid ah Golaha Wasiirada Jubbaland.

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post