543 Views

Hay’adda IMF : Seddex bilood gudahood ayaan ku joojinaynaa lacagta

Hay’adda IMF : Seddex bilood gudahood ayaan ku joojinaynaa lacagta
____________________________________________________________________________

 Talaado February 22, 2022

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa muddo saddex bilood gudahood ah ku joojin karta barnaamijkeeda Soomaaliya haddii doorashooyinka qaranka ee muddada dheer qaatay mar kale ay dib usii dhacaan, sida uu sarkaal sare u sheegay wakaaladda wararka ee AFP, iyada oo bilawday safar ay ku tagayso Soomaaliya.

“Barnaamijka IMF-ta ee Soomaaliya ayaa dib u eegis lagu sameynayaa bartamaha bisha May, balse dib u dhaca doorashada ayaa ka dhigan in maamulka cusub uusan diyaar u aheyn in uu ku taageero isbedellada la qorsheeyay in la qabto,” ayay tiri Laura Jaramillo, madaxa howlgalka sanduuqa ee Soomaaliya.

“Dib-u-eegista barnaamijka taageerada IMF ee Soomaaliya wuxuu u baahan yahay in la dhammaystiro bisha May 17-keeda ee sannadkan , haddii aan la dhamaystirin taariikhdaas barnaamijku si toos ah ayuu u dhammaanayaa,” ayay u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Taasi waxay si ba’an u saamayn doontaa miisaaniyada Soomaaliya oo dhaqaaleheedu aanu caga badan ku taagnayn. sidoo kale waxay saameyn ku yeelan doontaa heshiiska lagu cafinayo deynta lagu leeyahay Soomaaliya kaas oo sannadkii 2018-kii gaareysay $5.2 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Wadamada bixiya deymaha ee ku midaysan ururka Paris Club ayaa isku raacay inay Soomaaliya ka cafiyaan deyn dhan 1.4 bilyan oo doolar.

Go’aankan ayaa Soomaaliya u suuragalinaya in ay raadsato ilo dhaqaale oo cusub taasi oo gacan ka gaysan doonta dib uga soo kabashada Soomaaliya 30 sano oo dagaal sokeeeye ah.

Doorashada Soomaaliya ayaa in ka badan hal sano dib u dhac ku yimid, iyadoo doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka lagu wado in la soo gebagebeeyo ugu dambeyn maalinta Jimcaha ah xilli ay dad badan oo goobjoogayaal ah ay sheegayaan inay filayaan inay waqtigaasi dib uga dhici karto. Waxaa weli dhiman in ka badan 100 kursi.

“Sida ku cad shuruudaha barnaamijka IMF, deynta Soomaaliya waxay hoos uga dhici kartaa $557 milyan oo doolar ama ku dhawaad ​​lix boqolkiiba wax soo saarka guud ee gudaha horaanta “sanadka soo socda”, taasoo u oggolaanaysa xukuumadda Muqdisho inay soo jiidato maaliyad badan oo ay ka hesho beesha caalamka ayna gacan ka geysato horumarinta ganacsigeeda gaarka ah,” ayay tiri Jaramillo.

Mid ka mid ah dalalka ugu faqiirsan adduunka oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 70 boqolkiiba dad ku nool wax ka yar $1.90 maalintii, Soomaaliya waxay la tacaalaysaa sidii ay uga soo kaban lahayd tobannaan sano oo dagaallo sokeeye ah, waxayna sidoo kale la dagaallamaysaa kacdoonno Islaami ah muddo tobanaan sano ah.

Bil kasta, dowladda federaalka ah ee dalka waxaa ka maqan lacag dhan 10 milyan oo doolar si ay ugu daboosho kharashaadka muhiimka ah sida mushaarka shaqaalaha.

Laakin Jaramillo waxa uu sheegay in maamulada Soomaaliya ay aad uga shaqeeyeen xoojinta hay’adaha dowladda, gaar ahaan dhanka canshuur qaadista iyo xakameynta kharashaadka dadweynaha.

Wax-soo-saarka Soomaaliya ayaa kordhay 2% sanadkii 2021-ki, sida ay sheegtay hay’adda IMF oo tan iyo sannadkii 2015-kii la shaqaynaysay Soomaaliya.

Balaarinta ayaa waxaa sabab u ahaa isticmaalka guryaha oo aad u xooganaa, waxaana taas u sabab ah xawaaladaha Soomaalida ee qurbaha, iyo sidoo kale dhoofinta xoolaha, gaar ahaan wadamada Khaliijka.

Lacagaha xawaaladaha sannadkii 2021-kii waxay gaarayeen in ka badan $2.0 bilyan oo doolar, oo u dhiganta 28 boqolkiiba guud ahaan GDP-ga Soomaaliya, sida ay sheegtay IMF, taasoo saadaalisay kobaca boqolkiiba 3.2 sanadkan 2022-ka.

“Guud ahaan, waxaan aragnaa wax badan oo suurtagal ah oo ku aaddan kobaca Soomaaliya ee sannadkan 2022-ka iyo in horay loo socdo,” ayay tiri Jaramillo.

Balse sanadkan waxa uu ku bilowday xaalad adag oo soo wajahday Soomaalida, iyadoo abaaro ba’an ay saameeyeen afar milyan oo qof oo u dhigan rubuc guud ahaan dadka nool Soomaaliya halka in ka badan 550,000 oo qofna ay danta ku qasabtay inay guryahooda ka baxaan sababo la xiriira cunto iyo biyo la’aan.

“IMF waa inay dib u eegis ku sameysaa saadaasha kororka dhaqaalaha Soomaaliya haddii xilli roobaadka soo socda uu sidoo kale guuldareysto,” ayay yiri Jaramillo.

Dawladdu waxay hadda gargaar dhaqaale siinaysaa ilaa 200,000 qoys oo sabool ah iyadoo ka faa’iidanaysa barnaamij uu taageerayo Baanka Adduunka si loola dagaallamo saamaynta isbiirsatay ee abaaraha, dhibaatada ayaxa iyo masiibada Covid-19.

Sidee deyn 5 bilyan oo doolar ah loogu yeeshay Soomaaliya?

Deynta ay Soomaaliya qaadatay xilligii uu dalka ka jiray xukunkii kacaanka ayaa loo adeegsaday mashaariic kala duwan oo la gudagalay wixii ka dambeeyay 1970-meeyadii.

Bogga looga faalloodo xaqiiqooyinka caalamka ee Index Mundi ayaa lagu daabacay sida uu qiimaha deynta isku baddalay 40-kii sano ee aan la bixinin gudahooda.

Qiyaastii $70 milyan oo doolar ayey lacagtaas ahayd sannadkii 1970-kii halka sannadkii 2011-kiina ay mareysay $1.6 bilyan oo doolar, sida lagu qoray bogga Index Mundi.

Hase ahaatee hadda waxaa deynta Soomaaliya lagu leeyahay lagu qiyaasayaa 4.6 bilyan oo doolar.

Waxay dad badan dareensan yihiin in dulsaarka sannad walba fuulayay uu ka batay qiimihii asalka ahaa ee deyntaas.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post