909 Views

DFS & Dowlad Goboleedyada oo ka shiray xakameynta COVID-19

DFS & Dowlad Goboleedyada oo ka shiray xakameynta COVID-19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 06 2020–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah eeSoomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay Shirka joogtada ah ee guddiga Qaran ee ka hortagga iyo xakameynta Cudurka COVID19.

Kulanka oo ahaa dhinaca Internet-ka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirrada Caafimaadka ee dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ayaa, waxanna looga hadlay dardar gelinta wacyi gelinta bulshada iyo ballaarinta awoodda dowlad gobaleedyada ee xakameynta faafitaanka COVID-19.

Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 ee uu Guddoomiyaha ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay yeesheen kulan joogto ah,kaas oo laga soo saaro go’aamo looga hortagayo Coronavirus,kuwaas oo qaarkood aan weli dhaqan gelin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment