1026 Views

Madaxweynaha Galmudug & Sheekh Shaakir oo si kulul uga hadlay dagaalkii xalay

Madaxweynaha Galmudug & Sheekh Shaakir oo si kulul uga hadlay dagaalkii xalay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jimco  , Feberaayo 24, 2020 —War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay dowladda aqoonsan tahay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa waxa looga hadlay dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb iyo sida uu ku bilaawdey,iyada oo eedeyn loogu jeediyey hoggaanka Ahlusunna.

 

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Gaari Ciidan oo ay leeyihiin hoggaanka Ahlusnna uu rasaas ku furay Koontorool ay ku sugnaayeen Ciidanka Dowladda,isla markaana Xarunta Inji oo ay degan yihiin Hoggaanka Ahlusunna ay maalmahaan ka socdo arrimo xaalad abuur ah sida hadalka loo dhigay.

 

 

 

Dhinaca kale War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha Garabka Ahlusunna ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladu wado Abaabulka Dagaal markale Dhuusamareeb ka dhaca iyo weerar lagu beegsanayo Madaxda Ahlusunna.

 

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda ay soo weerareen Xarunta Inji oo ay degan yihin hoggaanka Ahlusunna,sidoo kale maalmahihii la soo dhaafay ay wadeen xiisado keeni kara dagaal.

 

Si kastaba marka laga soo tago qoraalada is eedeynta ah ee kasoo baxay Madaxweynaha Galmudug iyo hoggaanka Ahlusunna ayaa wararka Dhuusamareeb laga helayo waxaa ay sheegayaan in dadka Shacabka ah ee deganaa Goobaha u dhow Xarumaha Maamulka galmudug iyo kuwa Hoggaanka Ahlusunna ay isaga barakaceen.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment