702 Views

Maxkamadda Ciidamada oo 15-sano oo xabsi ciidan ah ku ridday Cabdirisaaq lagu eedeeyay Al-Shabaab

Maxkamadda Ciidamada oo 15-sano oo xabsi ciidan ah ku ridday Cabdirisaaq lagu eedeeyay Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

.


isniin: August 23, 2021

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun 15-sano oo xabsi ciidan ah ku ridday Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale oo lagu eedeeyay kala gudbinta lacagta, kamid noqoshada Al-Shabaab & Daacish.

Cabdirisaaq waxaa lagu eedeeyay in uu katirsanaa Al-Shabaab & Daacish tan iyo 2008-kii, tababarna ku qaatay Jilib gaar ahaan Arbaay Cabdi, waxa uu ka qaybgalay dagaalladii ka dhacay Muqdisho sida qoraalka maxkamadda lagu yiri.

Maxkamadda Ciidamad qalabka sida ayaa shaqadii ugu dambeeyay ee uu hayay Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ku sheegtay in Daacish uu wakiil uga ahaa kala gudbinta lacagaha, Maarso 2021 ayay qabteen Ciidamada ammaanka qabteen isaga oo wata lacag dhan 19-kun oo dollar.

Fadhigii ugu horeeyay dhageysiga kiiskiisa waxa ay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida u fadhiisatay 5-tii July 2021 kaddib markii Xafiiska Xeer ilaalinta uu dalbaday dhageysiga kiiskiisa 28-kii June 2021.

2019-2020, Xafiiska Xeer ilaalinta waxa uu Cabdirisaaq ku eedeeyay in uu xawilay lacag dhan $400 Kun oo dollar, sidoo kale xafiisku waxa uu tilmaamay in uu hayo caddeymo muujinaya lacagtaas qaar kamid ah dalka laga saaray oo loo diray Koofur Afrika.

Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa sheegay in lacagta gaartay dalka Koofur Afrika ee oo u diray Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ay in u gacan gashay dad u kala dhashay Dalalka Uganda & Ethiopia.

Ugu dambeyn Maxkamadda CQS ayaa sheegtay in dambi aanay ahayn lacagtaas lagu waayay, sidaas awgeed Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale ay ku xukuntay xabsi ciidan oo dhan 15-sano, 30-cishena uu rafcaan ku qaadan karo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post