771 Views

Duqii hore ee Muqdisho oo ka hadlay Sababta looga reebay heshiiskii Dhuusamareeb 13-ka Senator ee gobolka Banaadir

Duqii hore ee Muqdisho oo ka hadlay Sababta looga reebay heshiiskii Dhuusamareeb 13-ka Senator ee gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-22-2020–Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa soo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay Shirkii dhawaan lagu soo gabagabeeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Waxaa uu sheegay in qodobada kasoo baxay Shirka ay muuqdaan iney meesha ka saareen hubanti la’aantii doorashada, wacyiga in wax lagu qaatay iyo ugu dambeyn in tanaasul la muujiyay.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in laga tagay in qodobada kasoo baxay Shirka lagu caddeeyo 13 Xildhibaan ee Aqalka Sare laga siiyay gobolka Banaadir.

War uu soo saaray Taabid ayaa siddaan u qornaa:

Sidoo kale, waa tallaabo dhirigalin mudan in meel dhexe la isugu yimid, shacabka Soomaaliyeedna tiro ka badan kuwii hore fursad u helaan ka qeyb qaadashada doorashada 2020/2021 iyada oo loo marayo nidaamka Xisbiyada badan.

Ugu dambeyn, waxaan ku baaqeynaa arrimaha soo socda in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro si heshiiskan hirgelintiisu u bilowdo.

  1. Tirada Aqalka Sare ee 2020/2021 in lagu caddeeyo nuqulka heshiiska inuu noqon doono 67 Senator inta aan la horgeyn Golayaasha, maadama matalaaadda 13 Senator ay #Banaadir si sharci ah u yeelatay.
  2. In Puntland iyo Jubbaland labadaba fursad loo siiyo wixii talo ah oo ay ku biirin lahaayeen heshiiska doorasho ee #Dhuusamareeb3.
  3. Maamulka Doorashada 2020/2021 hadii ay maamulayaan GMDQ waa arrin wanaagsan balse u baahan tallo-loo dhanyahay si aan loo siyaasadeyn go’aannada iyo qorshooyinkooda.
  4. In heshiiska doorasho ay labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliyeed wadajir u turxaan bixiyaan, gaar ahaan meelaha u baahan kabidda una ansixiyaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post