918 Views

Burcad hubeysan oo CapeTown xalay dil dhaawac iyo Boob u geystay dhalinyaro Soomaaliyeed

Burcad hubeysan oo  CapeTown  xalay  dil dhaawac iyo Boob  u geystay dhalinyaro Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Talaado: July 20 2021

Kooxo Burcad hubeysan ah ayaa xalay magaalada CapeTown ee waddanka Koonfur Afrika ay dil, dhaawac iyo Boob hantiyadeed ay u geysteendhalinyaro Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariistee Axmed Macalin Jimcaale, ayaa dhintay halka Walaalkiis ka weyn ee Maxamed Macalin Jimcaale uu dhaawac yahay, kadib markii ay Kooxo hubaysani weerar ku galeen dukaan ay ku lahaayeen Xaafadda Kraaifontein oo ka tirsan Magaalada Cape Town.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka weerarka uu ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaano la xiriira sida uu dilka u dhacay iyo sidii lagu heli lahaa Burcadii ka dambeeysay dilkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan lagu dhibaateeyaa Ganacsatada Soomaalida ah, waxaana todobaadkii hore rabshadihii ka dhacay meelo kamid ah dalkaas lagu dilay ilaa Afar Dhalinyaro Soomaali ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post