735 Views

Jubaland oo noqtay maamulkii u horreeyay oo qabanaya doorashada xubnaha Aqalka sare

Jubaland oo  noqtay maamulkii u horreeyay oo qabanaya doorashada xubnaha Aqalka sare
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 29 2021

Dowlad goboleedka Jubaland, ayaa noqday maamulkii u horreeyay oo qabanaya doorashada xubnaha Aqalka saree e Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada Baarlamanka Jubaland, ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Kismaayo ku dooranaya xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya maamulkaas Jubaland.

Qaban-qaabadii u dambaysay ee doorashada Aqalka sare, ayaa saaka ka socota Kismaayo, xilli amniga magaalada si weyn loo adkeeyay.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maalin ka hor magacaabay xubnaha u tarmaya doorashada Aqalka sare, iyadoo maaamullada kale ee dalku aysan dhankooda weli magacaabin xubnaha Aqalka sare.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post