1374 Views

Madaxweyne Laftagareen oo Baydhaba ku qaabilay wafidi ay hogaamineysey ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey

Madaxweyne  Laftagareen oo  Baydhaba ku qaabilay wafidi ay hogaamineysey ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey
____________________________________________________________________________

May 11, 2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta Madaxtooyadda KGS ee Baydhaba ku qaabilay wafidi ay hogaamineysey ku xigeenka koowaad ee wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa wakiillada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Midowga Afrika iyo diblumaasiyiin kale.

Xubnahaan ayaa madaxweyne Laftagareen kala hadlay, xoojinta  joogteynta xiriirka wadashaqeyneed ee Koonfur Galbeed iyo iyaga.

Sidoo kale waxyaabaha ay ka wadahadleen labada dhinac waxaa ka mid ahaa xaqiijinta shirka looga balansanyahay 20-ka bishan inuu ka dhaco magaalada Moqdisho, kaas oo xal loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka guud ee dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post