558 Views

Howlo nadiifin ah oo maanta laga billaabay Suuqa Waaheen

Howlo nadiifin ah oo maanta laga billaabay Suuqa Waaheen
____________________________________________________________________________

Isniin:April 11, 2022

Duqa Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay in maanta Dowladda Hoose ee Hargeysa ay Suuqa Waaheen ka billowday howlo lagu nadiifinayo Suuqa si looga qaado haraadiga badeecadaha iyo waxyaabihii ku gubtay suuqa 1-dii bishaan April 2022-ka

Wuxuu sheegay Axmed Mooge in Dowladda Hoose ee Hargeysa ay diyaarisay Shaqaale ku filan suuqa, kuwaas oo ka shaqeenaya howlaha nadiifinta si ay u qaadaan haraadiga walxaha gubtay, intaa kadibna la diyaarin doono tallaabada xigta ah oo ah dib udhiska Suuqa Waaheen ee Hargeysa.

Dhinaca kale,  Duqa Magaalada ayaa Shacabka Hargeysa ku wargeliyay in aysan tegin Suuqa Waaheen inta lagu guudo jiro howlaha nadiifinta, maadaama uu sheegay in laga cabsi qabo waxyeello shacabka kasoo gaarto walxaha gubtay  oo ay qeyb ka yihiin beraha iyo badeecadaha.

Ugu dambeyn, Duqa Hargeysa ee Somaliland ayaa dalbaday in la gacansiiyo Dadkii ku hanti beelay Suuqa Waaheen, isagoo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isku garab istaagaan xaaladaha adag si looga gudbo dhibaatooyinka taagan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post