597 Views

Ciidanka DANAB oo howlgallo ka dhan ah argagixisada ka fuliyey deegaano dhaca J/Hoose

Ciidanka DANAB oo howlgallo ka dhan ah argagixisada ka fuliyey deegaano dhaca J/Hoose
____________________________________________________________________________

Isniin: February 7, 2022

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB, gaar ahaan ururka 5-aad ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Argagixisada Al-Shabaab ka fuliyay degaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidanka DANAB ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa burburinta goobo ay argagixisada Al-Shabaab uga dhuumaaleysan jirtay degaano ka tirsan gobolka, waxayna ciidamadu ku guuleysteen inay xaqiijiyaan ammaanka deegaanadii ay maanta xoreeyeen.

Deegaanada kala ah Sanguuni, Muuse Xaajji, Arraare iyo Koban oo dhamantood ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayey ciidamadu cagta mariyeen.

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa si joogto ah howlgallo kala duwan uga fuliya degaanada fog-fog ee gobollada koonfurta Soomaaliya, waxayna inta badan si xirfadeysan u laayaan nabadiidka Al-Shabaab.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post