465 Views

Ra’iisul wasaare Xamse oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul wasaare Xamse oo dalka dib ugu soo laabtay
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 31, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamse Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay ka soo qaybgaleen shirkii Caalamiga ahaa ee TICAD8 ee lagu qabtay magaalada Tunis.

Ra’iisul Wasaaraha oo xubnaha wafdigiisa ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Mudane Cali Maxamed Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa intii uu socday shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika — waxa uu la kulmay madax kala duwan oo ka qaybgalaysay shir madaxeedka, isagoo ka jeediyay shirka khudbad taabanaysay dhinacyo kala duwan sida amniga, abaarta, cunto yarida, isbeddelka cimillada iyo saameynta ay keentay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post