900 Views

SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda oo gaaray Baydhabo & Shir ka furmayo

SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda oo gaaray Baydhabo & Shir ka furmayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 21-2019 —Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta oo Jimce ah gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

 

Wafdiga ayaa  waxaa Qeyb ka ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Sr, Axmed Cali Daahir, Waxana Garoonka Diyaaradaha Baydhabo Kusoo dhaweyay Wasiiro,Xildhibaano,Iyo Guddomiyaha Maxkamada Sare Maamulka Koonbfur Galbeed.

 

 

Xeer Ilaaliyaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Ee Jubbaland Maxaamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in uu aad ugu farsanyahay tegitaankaBaydhabo,isla markaana uu  ka qeyb gali doono Shirka Xeer Ilaaliyaha dalka oo Beri ka furmaya Magalada Baydhabo.

 

Xeer ilaaliyah Guud Ee qaranka Dr Acmed Cali Daahir , ayaa ka warbixiyay ujeedada Baydhabo u  tageen isaga oo si rasmi ah u shaaciyay in Beri Shirka xeer Ilaaliyaasha dalka Baydhabo uga furi Doono.

 

Guddomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Baashe Yuusuf Ahmed ,ayaa Mas’uulyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ugu Mahadceliyay Sida Wanaagsan Ay Baydhabo ugu soo dhaweyeen.

 

Beri aya lagu wadaa in Baydhabo uu ka furmo Shir ay isugu imaan doonaan Xeer ilaaliyaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Fedaraalka Soomaaliyaa ,iyo Dowladda dhexe Kaasi oo socon doona Muddo Seddax Maalin ah.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment