816 Views

Ciidamo ka tirsan NISA oo howlgal ka fuliyay Gobolka Galgaduud

Ciidamo ka tirsan NISA oo howlgal ka fuliyay Gobolka Galgaduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 08, 2021:-Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud iyo degaano hoostaga.

Ujeedka howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay ku sheegeen in uu yahay  sidii loo xaqiijin lahaa Amniga degmada Guriceel iyo degaannada hoostaga.

Ciidamada ayaa baritaano ku sameeynayay Gaadiidka kala duwan, waxaana sidoo kale ay muraayadaha Madow ee (Bensalka) ka fiiqayeen Gaadiidka ay ku dhegan yihiin, iyaga oo sidoo kale baaritan ku sameeyay dadka saaran.

Howgalka ayaa  waxaa horkacayey taliyaha Nisa ee Degmada Guriceel Cabdul Xayir iyo Ku xigeenkiisa, waxaana ay sheegeen inay ka go’an tahay xaqiijinta amniga degmada Guriceel iyo degaannada hoostaga.

Howlgalkan ay Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ka sameeyeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud iyo degaano hoostaga ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan degaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug ay Ciidamada dowladda ka sameeyeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post