504 Views

Tirada dadka soo galootiga Yurub oo sare u kacday sanadkii la soo dhaafay 2021

Tirada dadka soo galootiga Yurub oo sare u kacday sanadkii la soo dhaafay 2021
____________________________________________________________________________

Talaado: January 11, 2022

Wakaaladda Xuduudaha Midowga yurub ee Frontex ayaa sheegtay iney sanadki hore ee qarraddaasi soo galeen ku dhawaad 200,000 oo soo galooti sharci darran ah, tiradaasi oo noqoneysa tii ugu badneyd tani iyo 2017-kii.

2020-kana waxay tiradaasi ka sarreeysaa 57%, iyada oo xilliga uu cudurka safmarka qaaradda faraha ba’an ku hayey tiradu hoos u dhac uu ka muuqday.

Frontex waxay sheegtay heerka dadka soo galootiga ah inuu qaaradda heerki ugu sarreeyey ka marayo.

Arrintaasina ay sababtay xaaladda ka taagan xadka Belarus oo 10 jibaaran dadka soo galootiga ee xadkaasi qaaradda ka soo galo.

Dadka soo galootiga ee qaaradda si sharci darra ah soo gaara kuwooda ugu bandan ay yihiin muwaaddiniinta dalka Suuriya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post