621 Views

In ka badan 70 qof oo ku dhintay duufaan ku dhifatay lix gobol oo Mareykanka

In ka badan 70 qof oo ku dhintay duufaan ku dhifatay lix gobol oo Mareykanka
____________________________________________________________________________

Axad: December 12, 2021

In ka badan 70 qof ayaa ku dhintay duufaan ku dhifatay lix gobol oo Mareykanka ah, gaar ahaan gobolka Kentucky, taas oo sidoo kale bur-burisay guryo iyo goobo ganacsi, sida ay Sabtidii sheegeen saraakiisha laga doorto gobolladaas.

Tobaneeyo qof ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen warshad shumaca sameysa oo ku taal galbeedka Kentucky, halkaas oo ilaa 110 qof ay ka shaqeynayeen markii duufaan xoog leh ay ku dhufatay goor dambe oo Jimcihii ah.

Guddoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear ayaa sheegay in 40 ka mid ah 110-ka shaqaale laga soo badbaadiyay warshadda ilaa hadda.

“Heerka burburku wuu ka duwan yahay wax kasta oo aan weligay arkay,” ayuu yidhi Beshear isagoo ka hadlaya waxyeelada ay keentay duufaantan, oo ku socotay xawaare ka badan 227 mayl (365 km), sida ay qortay walaaladda wararka ee Reuters.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post