1788 Views

Sawiro:-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka oo ka qeyb galay xuska Maalinta Badaha Adduunka

Sawiro:-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka oo ka qeyb galay xuska Maalinta Badaha Adduunka
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya , mudane;  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta ka qeyb galay munaasabadda Maalinta Badaha Aduunka ee 8-da June oo lagu qabtay Muqdisho.

 

Munaasabadda oo ay si wada jir ah u soo agaasimeen Sanadkan Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Dekadaha ee XFS, ayaa intii lagu gudo jiray waxaa bar-bar socday olole lagu nadiifinayo Xeebaha Dalka oo laga sameeyay qaybo kamid ah Xeebta Caasimadda Muqdisho.

 

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka Badda XFS, Maryan Aways, ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka warbixin kooban ka siisay munaasabadda xuska oo lagu maamuusay qashin saarka Xeebaha.

 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka ayaa sheegay in Dadda dheer ee Soomaaliya ay qeyb ka tahay ilaha dhaqaale ee ugu wayn Dalka, ayna muhiim tahay in laga shaqeeyo hagaajinteeda, si Ummadda Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido ballaaran.

 

Mudane; Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar)  Ra’iisul wasaaraha Dalka,  ayaa sheegay in Kheyraadka ku jira Badaheenna uu yahay mid ku filan Shacabka Soomaaliyeed, balse loo baahan yahay in si wacan loogu faa’iideysto.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment