1686 Views

Turkigu muxuu ka aamminsanyahay qaaradda Afrika.?

Turkigu muxuu ka aamminsanyahay qaaradda Afrika.?
____________________________________________________________________________


Sabti: December 18, 2021

Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaa isugu tagay madax ka soctaa dalalka Afrika waxaana halkaa ka dhacaya Shirweynaha Madasha Iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika. Waxaana loo arkaa shirkaan mid uu Turkigu ku doonayo inuu galaan-gal wanaagsan u yeesho isla markaana uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dalalka Afrika. Waxyaabaha shirkaan iskaashiga xoogga lagu saarayo waxaa ka mid ah arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda ee dalka Turkigu la leeyahay Afrika.

Shirkaan madaxda ka qayb galaysa waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo wuxuuna kulan la yeeshay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Qoraal lagu daabacay bogga Faceboog ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray dardar gelinta qorsheyaashii hore ee iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta,”.

Kulankaan ay yeesheen Farmaajo iyo Erdogan ayaa qayb ka ahaa kulan doceedyo uu madaxweynaha martida loo yahay la yeellanayo madaxda Afrika ee shirka ka qayb galaya ee ku sugan dalkiisa.

Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Sergei Ryabkov ayaa sheegay in Ruushku uu Mareyanka iyo Nato u soo bandhigay labo qaraar. Ma jiro ikhtiyaar kale, ayuu yiri, iyadoo “xiriirka Ruushka iyo dalalka kale ee Galbeedka ay is aaminaaddu ka maran tahay”.

Waxyaabaha uu soo jeediyay Ruushka waxaa ka mid ah dalabaadyo culus oo ay ka mid yihiin in dalalka ku biiray Nato kaddib Midowgii Soofiyeetka aysan ciidamo iyo hub geyn karin meelaha loo arko inay khatar ku yihiin Ruushka. Maraakiib dagaal aan loo oggolaan doonin meel ka baxsan dalkooda amaba meelaha ay ka soo weerari karaan Ruushka.

Tan ayaa micnaheedu wuxuu yahay in Nato aysan wax lug ah ku yeelan dhammaanba saddexda jamhuuriyadood ee Baltic ama Poland. Sidoo kale Nato ayaa laga doonayaa inay ka hor timaaddo qorshooyinka Ukraine iyo Georgia ay ugu biirayaan isbahaysiga Galbeedka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post