3933 Views

Franca oo Af Bilow Fiican ku Bilaabatay Euro 2016…

Franca  oo Af Bilow Fiican ku Bilaabatay Euro 2016…
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 11, 2016 – Waxaa Xalay si rasmi ah loo Furay Koobkii 4 sanadalaha ahaa ee Euro 2016 oo si weyn loo sugayay waxaan Xaflad si heer sare ah loogu soo dhaweynayo Koobkaasi ay ka dhacday Caasimada Dalka Faransiiska Paris oo ai weyn amaankeeda loo adkeeyay.

Ciyaartii Furitaanka Tartanka Euro 2016 waxaa Fooda isku Daray Xulka Matida loo yahay ee Franca iyo Wadanka Romania oo mudooyinkaan Danbe aan ka dhex muuqan Koobka
Xidigaha Xulka Faransiiska oo u badnaa Ciyaartoyda ka Ciyaarta Wadanka ingiriiska ayaa ku haminayay inaysan Kulanka Furitaanka  qasaarin 3 dhibcood waxaana Ciyaartaan oo aheyd mid adag oo  iska caabin la isku sameynayay ay ku dhamaatay qeybtii Hore 0-0
Isku soo noqodkii qeybtii 2 ee Ciyaarta Daqiiqadii 57 kubad uu soo karoosay waxaa madaxa isaga sii jeeda raaciyay 9 Franca Olivier Groud kaasoo Ciyaarta ka dhigay 1-0 ay fran ca ku hormareen,hase ahaate Xulka Romania oo ku niyad jabin Goolkaasi laga dhaliyay ayaa Barbaro ku helay Rigoore  uu qalinka ugu Duugay Ciyaaryahan Bogdan Stancu.
Xulka Farnsiiska oo Ku Ciyaarayay Wadankooda waxa uu Culeys ka heystay inay Barbaro ama guuldaro ku soo dhaweeyaan Tartanka iyagoo Culeyska Saaray sidii ay u xalaaleysan lahaayeen 3 dhibcood ee Kulanka Furutaanka Euro 2016, waxaana Riyadaasi ay u rumowday markii Gool Qurux badan uu shabaqa Romania ku malaasay Weeraryanka Da,da yar ee Xullka Faraniiska iyo Kooxda West Ham Dimitri Payet oo watay Lambarka 8 Kaasoo Ciyaarya ka dhigay 2-1 ay ku awood sheegteen Xulka Faraniiska oo Guruubka A 3 dhibcood ku horkacaya.
Guruubkaan A oo sidaaa aan adkeyn waxaa kulan ka tirsan Meertada 1 ee Wareega hore uu galabta dhex mari doonaa Wadamada Swizerland iyo Albania
N.B 2 kulan oo ka Tirsan Meertada 1 ee Guruub B ayaa Dhici doona Caawa oo 11 Juun 2016 waxaana ay ka dambeyn doonaan Kulanka Swizerland iyo Albania  ee ka wada tirsan Qeybta A,
kulamada Guruub B waxa ay u dhici Doonaan caawa sidatan
Wales vs Slovakia
ENG vs Russia  Ciyaartaan waa mid adag oo ay Fooda isku darayaan 2 Xul waxaana la is weydiinayaa Kooxda la loodin waayay Isreebreebkii Koobkaan iyo Kulamadii Saaxiibtinimada Ma ka badbaadi doonaan Duufaanta Russia la arki doonee
.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment