204 Views

XULKA KUBADA CAGTA GOBOLKA BANAADIR OO 2-1 KAGA ADKAADAY XULKA GALMUDUG.

XULKA KUBADA CAGTA GOBOLKA BANAADIR OO 2-1 KAGA ADKAADAY XULKA GALMUDUG.
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Kulan aad u xiiso badnaa, isla markaana qeyb ka ah Tartanka Kubadda Cagta ee Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir oo ay usoo daawasho tageen kumanaan taageerayaal ah, ayaa waxa uu Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium ku dhex-maray Xulalka Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir iyo Galmudug, taasi oo kusoo idlaatay 2-1 oo ay Guusha ku raacday Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Hambalyo u diray Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir guusha ay maanta gaareen iyo Cayaar wanaaga asluubeysan oo ay soo bandhigeen.

Waxa uuna u rajeeyay in kulamada u harsan ay guulo ka gaaraan si ay u difaacdaan Koobka Kubadda Cagta ee Cayaaraha Maamul Goboleedyada dalka oo sanadkii ugu danbeeyay ay ku guuleysteen Xulka G/Banaadir.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post