843 Views

Wasiir Falagle” Dadka Waqtigooda ku imaan waaya Shirka Dhuusamareeb waxaan u aragnaa kuwo diidan”

____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-16-2020–Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa lagu wadaa in uu dhawana ka furo Shir u dhaxeeya Madaxda Dowlad Federaalka Soomaaliya & Dowlad Goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in shirkaan uu ahaa mid horay loogu balamay shirarkii hore intiisa badana uu ku saabsan yahay arrimaha doorashooyinka dalka.

Wasiirka oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in Shirka Magaalada Dhuusamareeb uu qof walba kusoo bandhigayo tabashada uu qabo,hayeeshee ay muhiim tahay qabsoomida shirkaas,isla markaana dadka waqtigooda ku imaan waaya ay u arkaan kuwo diidan Shirka.

Wajjiga Saddexaad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa isha ku haya Shacabka Soomaaliyeed iyo xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post