774 Views

Suudaan iyo Masar oo si wadajir ah u bilaabay dhoolatus militeri

Suudaan iyo Masar oo si wadajir ah u bilaabay dhoolatus militeri
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November16, 2020Suudaan iyo Masar ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay bilaabay dhoola tus oo ay si wadajir ah u sameynayaan ciidammada labada dal kaas oo loogu magac daray ‘The Nile Eagles 1’, wuxuuna ka bilowday saldhigga ciidamada cirka ee ku yaalla waqooyiga Suudaan.

Dhoolatuskan ayaa socon doonaa tan 26-da bisha Nofembar.

Waa dhoolatuskii dhanka militeriga ahaa ee ugu horreeyay oo ay si wadajir ah u soo bandhigaan labadan dal tan iyo markii uu xilka Suudaan hayay toddobaatamaadkii madaxweynihii hore, Jacfar Al Numeyri.

“Dhoolatuska si wadajirka ah ay ciidamada cirka labada dal ay u sameynayaan waxaa lagu soo bandhigayaa waxyaabo dhowr ah sida qorsheyaal iyo maamulidda ciidamada cirka labada dal, duqeymaha iyo howlgallada difaaca ah ee loo adeegsanayo iskaashiga dhanka ah diyaaradaha dagaalka labada dal, sidoo kale, ciidamada cirka waxay sameynayaan dhoolatus dhanka baadi goobka iyo badbaadinta” waxaa sidaas yiri afahayeen u hadlay ciidamada Masar, sida laga soo xigtay bayaan soo baxay/.

Taliyeyaasha ciidamada Suudaan iyo Masar ayaa Khartuum ku kulmay 31-kii bishii Oktoobar, waxayna ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga dhanka militeriga.

Dhoolatuska ay sameynayaan labada dal ayaa imaanayaa xilli Suudaan, Masar iyo Itoobiya ay ku guuldareysteen inay yeeshaan wadahadallada lagu xallinayo muranka ka dhashay biyo xireenta Itoobiya ay ka dhiseyso webiga Nile.

Sidoo kale, wuxuu kusoo beegmayaa xilli Itoobiya ay dagaal kula jirto ciidamada Tigray.

Horraantii bishii Oktoobar, Itoobiya waxay mamnuucday in diyaaradaha ay dul maraan hawada biyo xireenka.

Muranka ka dhashay biyo xireenka ayaa saameyn ku reebay xiriirka saddexdan dal.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post