1206 Views

Guddoomiyaha degmada Kaaraan oo ka hadlay dagaalkii millateriga dowladda ku dhex maray Gubadley

Guddoomiyaha degmada Kaaraan oo ka hadlay dagaalkii millateriga dowladda ku dhex maray Gubadley
____________________________________________________________________________


isniin: October 11, 202

Guddoomiyaha maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, Ciise Maxamuud Xasan ayaa ka hadlay dagaalkii saaka degmadaas ku dhex-maray ciidamo ka wada tirsan millateriga dowladda Soomaaliya.

Waxa uu eedayn  u jeediyay Guddoomiyaha Ciidamada Korneyl Saneey Cabdulle oo uu sheegay in ay soo weerareen Ciidamadiisa waax ka tirsan Degmada kaartaan.

Waxa uu sheegay in meesha ay ka dhacday Qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, gaar ahaan waxa uu sheegay in uu Dagaalka ka dhacay degmada Kaaraan gaar ahaan waax  yiraahdo Wajeer.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada millateriga ay boob ku hayaan dhulka degmada iyo Kaawooyinka, isagoona ka codsaday in Wasiirka Gaashaandhiga iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir inay arrintaas wax ka qabtaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post