1776 Views

Taliyaha Asluubta “Ciidan aan Boolis aheyn kama hawlgeli karaan Muqdisho”

Taliyaha Asluubta “Ciidan aan Boolis aheyn kama hawlgeli karaan Muqdisho”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 9, 2018 – Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay qorshaha inuu yahay in Guddiga amniga ay fariistaan, lana go’aamiyo dhammaan shaqooyinka amniga magaalada Muqdisho in lagu wareejiyo Ciidamada Booliska.

Hadalkan aya Gen. Bashiir wuxuu ka sheegay Barnaamij loogu magac daray baro Booliis-kaaga, kaasi oo looga hadlayay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Ciidamada Booliska iyo shacabka  Muqdisho.

Wuxuu sheegay Taliyaha Asluubta in magaalada gudaheeda ay mamnuuc ka tahay ciidan aan Boolis aheyn oo ka shaqeynaya, hadii uusan u yeeran Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Bashiir Maxamed.

Sidoo kale Gen. Bashiir Goobe ayaa sheegay inay muhiim tahay in shaqada magaalada lagu aamino ciidamada Booliska, islamarkaana ciidamada kale looga baahan yahay inay garab ku siiyaan shaqada.

“Guddiga amniga qaranka inta fariisto, lana go’aamiyo dhammaan shaqooyinka magaalada in lagu wareejiyo Ciidamada Booliska ayuu qorshaha yahay, magaalada gudaheeda waxaa mamnuuc ka ah ciidan aan Boolis aheyn oo ka shaqeynaya, hadii uusan u yeeran Taliyaha Ciidanka Booliska, shaqada magaalada waa in lagu aaminaa Booliska.” Ayuu yiri Taliye Bashiir Maxamed Jaamac.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment