1194 Views

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan la yeeshay

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan la yeeshay
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 8, 2021

 Danjire Cawaale Cali Kullane Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha kulankan uu la qaadanayay Ku-xigeenka madaxa Waaxda xariirka caalamiga ee xisbiga Shuuciga ee Shiinaha ayaa waxaa shirka ku wehwliyey Mudane Saciid Mire La -taliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha.

Safiir Cawaale Cali Kullane ayaa marka hore uga hambalyeeyay 100 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska xisbiga shuuciga ee Shiinaha oo sanadkan loo dabaaldagayo dalka Shiinaha.

Sidoo kale Danjire Cawaale Cali Kullane Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa kala hadlay madaxda xisbiga shuuciga ee Shiinaha sidii loo sii xoojin lahaa xariirka labada dal ee ah iskaashiga dhanka gacacsiga, maalgashiga, tababarada iyo dhammaan hishiisyada kale ee Soomaaliya iyo Shiinaha horay u wada saxiixdeen, iyadoo dhammaan qodobadii laga wada hadlay lagu hishiiyay labada dhinac.

Xisbiga shuuciga ee Shiinaha ayaa ah xisbiga kaliya ee ka taliya dal waynaha Shiinaha muddo 100 sano ah, isagoo ah awoodda ugu sareyso dalkaas, halka agaasinka xariirka caalamiga ah ee xisbigu yahay Waaxda jaangoysa siyaasadda arrimaha dibadda ee Shiinaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post