627 Views

Israa’iil oo waajahayso cabsi la xiriirta in ay la wareegaan Falastiiniyiintu

Israa’iil oo waajahayso cabsi la xiriirta in ay la wareegaan Falastiiniyiintu
____________________________________________________________________________

Sabti: May 21 2022

 Wasiirka difaaca ee Israa’iil Benjamin Gantz ayaa sheegay in Israa’iil ay soo waajahayso cabsi ah in mustaqbalka ay la wareegaan Falastiiniyiintu.

Wasiirka oo ka hadlayey kulan albaabada u xidhanyihiin oo uu lahaa isbahaysiga ‘Blue and White’, waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waa dhab, waxa ay u dhowdahay in dawladda Yuhuuddu ay mustaqbalka ku soo ururto inta u dhexeysa labada degsiimo ee Gedera iyo Hadera”

Hadalkan ayaa yimi toddobaado yar kaddib, markii uu raysalwasaarihii hore ee Israa’iil Ehuud Baraak uu qoray maqaal walaac ku abuuray Yuhuudda oo uu ku sheegay in dawladda Yuhuuddu ay waajahayso waxa uu ugu yeedhay, ‘Nacdasha siddeetan guurada’. Waxa uu sheegay in boqortooyooyinkii iyo dawladihii hore ee Yuhuuddu ay dhammaantood burbureen markii ay 80 jirsadeen.

Ehuud Baraak waxa uu sheegay Israa’iil oo hadda 74 sanno jirtay in ay ka muuqato awooddeedii oo hoos u soo dhacaysa, marka laga hadlayo jiritaanka qarannimo ee siyaasiga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post